DHEGEYSO: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ka hadlay Xaaladda Ammaan ee Gobolka Mudug

3 April 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo maanta Saxaafada kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay aammaanka guud ee gobolka Mudug gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo.

206

Gudoomiye Xasan ayaa sheegay wixii ka dambeeyey qarixii kooxaha nabad diidku ku dileen 7 ruux oo uu kamid ahaa xisaabiyihii wasaaradda maaliyadda ee gobolka Mudug ay xaaladda ammaan tahay mid sideedii kusoo laabatay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay socdaan baaritaano iyo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wuxuuna shacabka Gobolka gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo ku booriyey inaaan wax la yeelin dadka kasoo jeeda Gobolada kale ee Soomaaliya hantidooda iyo naftoodaba.

Dhagayso Gudoomiyaha Gobolka Mudug


Puntlandes.com

About The Author