Dhegayso: Saadaq Eenow oo dhaliilay heshiiskii Garoowe ay ku gaareen DFS & Puntland

4 April 2016 (Puntlandes)  Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dawladda Madaxweyne Gaas Dr Saadaq Eenow ayaa dhaliilay heshiiskii xalay Garoowe ay ku kala saxiixdeen DFS iyo Puntland.

218-8

Saadiq Eenow ayaa yiri “Puntland waa dad waacyi ah, mar-kastana wax dhibaato dhexdooda ka abuura ma’ahan dad samaynaya, oraah-baa jirta oronaysa, annigoo ka xun inaan iraahdo Hoggaamiyaha Caqli gaabka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel isagu doonayo, Hogaamiyaha caqli lowga ah-na wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel ay iyagu doonayaan, halka Hoggaamiyaha Caaqil-yahanka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa halka ay maslaxadoodu taalo”

Saadaq Eenow waxa uu usoo noqday madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas Wasiirka Wasaarada Caafimaadka isagoo ahaa muddo sanad ah kadin uu ka qaaday Gaas Xilkaas.

Dhagayso Saadaq Eenow


Puntlandes.com

About The Author