Maxaa dedejiyey Cali Xaaji & Saadiq Eenow oo ay uga horyimaadeen Heshiiskii ay Garoowe ku gaareen DFS & Puntland

4 April 2016 (Puntlandes)  Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaan jiray Golaha Wasiirada Xukuumada madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ahaana Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, ayaa dhaliilay heshiiskii habeen hore ay ku saxiixeen madaweyne Gaas iyo Raysul Wasaare Cumar Cabdieashiid Cali Sharmarke, kaasoo ku la xiriiray inay Puntland ogolaatay inay sanadkan la qaato 4.5.

218-7

Cali Xaaji ayaa isla markii Heshiiska la saxiixay waraysi uu siiyey Radio Daljir si ba’an ugu weeararay madaxweyne Gaas, isagoo sheegay inuu madaxweyne Gaas ku Cayaaray Kalsoonidii shacabka reer Puntland.
Dhagaysi waraysiga

Cali Xaaji awax uu Gaas ku dhaleeceeyey in uu Qaatay 4.5 isagoon haysan wax Damaanad qaad ah, isagoo hilmaamay in ay Itoobiya Damaanad qaanimo ku Saxiixday  Heshiiska halka ay UN-ka, EIU, AUiyo  IGAD ay Marqaati ahaan u Saxiixeen

Siyaasi Cali Xaaji ayaa ugu dambayn waraysigiisaas ugu hanjabay madaxweyne gaas in lala Xisaabtami doono.

Cali Xaaji ayaa ahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumada madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas muddo sanad ku dhow, isagoo ahaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare kadibna waxaa xilkaas ka Xayuubiyey madaxweyne Gaas.

Dhanaka kale waxaa isna waraysi uu siiyey Radio Daljir ku dhaliilay madaxweyner gaas Wasiirkiisii hore ee Wasaarada caafimaadka Saadiq Eenow.

218-8

Saadiq Eenow waxaa isna dhaliilay Heshiiska dhexmaray Dowladda Puntland iyo DFS.
Dhagaysi waraysiga

Saadiq Eenow ayaa isna ka mid ahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumada madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas muddo sanad ku dhow, isagoo ahaa Wasiirka Caafimaadka kadibna waxaa xilkaas ka Xayuubiyey madaxweyne.

Waxaa dad badan la yaabeen oo iswaydiinayeen maanta waxa ay markiiba labada siyaasi ay u dhaleeceeyeen.

218-7b31

Khuburada Siyaasada Odorosa waxay ku tilmaameen sida deg-dega ah ee aan Hubsiinada lahayn ee ay labadaas siyaasi u dhaliileen Heshiiska inuu yahay uun ”Ha la imaqlo oo kaliya” iyadoo aysan jirin wax uga dambeeya oo Istaraatiijiyad ah.

Puntlandes.com

 

About The Author