Dhagayso; Yaasiin Cabdisamad ”15 Cisho waa in dadka Koonfur ka yimid looga saaraa Puntland”

5 April 2016 (Puntlandes) Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Nabadoonada Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxaa uu kaga hadlay arrimaha nabadgalyada iyo Nidaamka 4.5

217-9b

Nabadoon Yaasiin ayaa ku eedeeyey inay Amni xumo ka abuurayaan Puntland dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku nool Puntland.

Nabadoon Yaasiin ayaa sheegay inay markii hore iyagoo madaxa soo duubtay ay layn jireen waxgaradka reer Puntland iminkana ay ku dareen inay Duulaan cad ku soo qaadaan Puntland.

Nabadoon Yaasiin waxa uu ku dhaliilay inay Gudoomiyayaasha Gobolada Mudug iyo Nugaal ay idaacadaha ka sheegeen in dadka Koonfur kasoo jeeda la nabad geliyo, ayna dadka reer Puntland la Xuquuq yihiin, waa muwaadiniin …wuxuuna si cad u sheegay inaan laga yeelayn Mas’uuliyiintaas hadakooda lana, isagoo sii raacshay in wax walba ay Xad leeyihiin.

Nabadoon Yaasiin oo hadalkiisa sii kululeeyey ayaa yri ”Labada Gudoomiye iyo Taliyaha Booliska wxaan leeyahay Haddii hal qof oo dambe qof reer koonfureed ah uu wax yeelo dadkaasi idinkay idiin shaqeeyaan waxa wax laynayaana waa idinka”

Nabadoon Yaasiin ayaa ugu dambayn Codsaday inay reer koonfureed dagaanadooda si nabad ah ugu noqdaan muddo 15 Cisho gudahood ah.

Dhanka kale Nabadoon Yaasiin ayaa isagoo ka hadlaya habka 4.5 waxa uu sheegay inaysan muhiin ahayn tirada Xildhibaanada laakiin ay Muhiim tahay Xildhibaanada ay reer Puntland u Dirsanayaan Xamar waana inaysan noqon dad la gadan karo.

 

Dhagayso Nabadoonka Yaasiin Cabdisamad


Puntland

About The Author