Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Heshiiskii Puntland & DFS

5 April 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horaysay shacabka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyaad si Toos ah ugala hadlay TV ga dawlada ee PLTV.

89ab

Madaxweyne Gaas ayaa sharaxaad ka bixiyey Heshiiskii ay dhawaan gaareen Puntland iyo DF isagoo Shacabka reer Puntland madaxweyne si waafiya ugu Sharxay kuna fahan siiyay heshiiska, danta laga lahaa iyo faa’iidooyinkiisaba.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inay Puntland ahaan is tuseen saddex qodob oo ay mid doortaan waxayna kala ahaayeen:

  1.  In Soomaaliya inteeda kale Puntland ka go’do oo ay gaar u sitaago,
  2. In doorashada afartsa sano ee DF Puntland gaar ka istaagto oo aysan waxba ku darsan DFS.
  3. Inay heshiis Puntland u qalma la gasho DFS, kana qayb gasho doorasha 2016.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay la qumanaatay inay qaataan qodobka 3-aad kaasoo ah in Puntland heshiis rasmi ah oo u qalma la gasho DFS, kaasoo markii danbe Garowe lagu gaaray, wuxuuna muujiyey inay keeni lahayd Qalalaase Siyaasadeed iyo Qaybsanaan haddii aanu qaadano labada kale.

Gaas ayaa sheegay iany Puntland dadaal dheer u gashay heshiiskaasi Beesha Caalamkana ay aqoon sadeen awooda iyo meeqaabka Puntland kaga jirto Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Gaas ayaa intaas kusii daray in Heshiiska Puntland iyo DFS y uu waddo wanaagsan u furay Soomaaliya, Puntland na ay horseeday matalaad shacab oo dhab ah, heshiiska labada dhinac ayuu ku tilmaamay Gaas  inuu keenay in Soomaaliya 2016 ka dhacdo doorasho xor ah.

Heshiiska waxaa diyaarintiisa kazoo shaqeeyey Gudi ka kooban labada Golle ee Puntland iyo wafdigoii uu hogaaminayey raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke saxiiixiisana waxaa Makhraati ka ahaa Beesha caalamka waxaana damaanad qaaday IGAD oo uu u saxiixay Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya.

Ugu danbayntii madaxweyne Gaas ayaa waxa uu mahadceliyey Ciidanka Difaaca Puntland saidii Taariikhiga ahayd ere ay Casharka ugu dhigeen Cadowgii Alshabaab ee soo weeraray Puntland, wuxuuna shacabka reer Puntland dibad iyo Gudaba ugu baaqay inay soo taageeraan Agoontii ay ka tageen Geesiyadii u dhintay Difaaca Puntland iyo Geesiyada kale ee dhaawacu kasoo gaaray.

Waxaa kale oo uu madaxweyne Gaas ka codsaday shacabka reer Puntland dibad iyo Gudaba inay soo taageero u fidiyaan dadka reer Puntland ee ay Abaaruhu saameeyeen una baahan Caawimaada.

 

About The Author