FAAHFAAHIN-SAWIRO: Madaxweynahe Gaas oo Khudbad Toos ah ka Jeediyay Television-ka Dawladda Puntland ee Puntland Tv

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 05, April 2016 waxa uu si rasmi ah u booqday xarunta dhexe ee warbaahinta Dawladda Puntland ay ku leedahay Caasimadda Garoowe, halkaas oo uu si toos ah shaashada Puntland Tv ugala hadlay guud ahaan shacabka Puntland iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Dawladda Puntland u saxiixday heshiiskii dhowaan lagu gaaray Caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu tilmaamay in ay masuuliyad ka saaran tahay geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin ku haboon sidii guud ahaan shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa horumar , loogana saari lahaa caqabadaha hor taagan dib u dhiska dalka dhan kastaba.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbaddiisa ku sharaxay ujeedka ay Puntland u gashay heshiiskii Garoowe, wuxuuna yiri

“ Inta aanan sharxin wuxuu xanbaarsan yahay heshiiskani, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in ay Puntland saddex arrimood mid uun doorato in ay taladu kusoo ururtay.

1- In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa ujeedadii iyo hadafkii
loo dhisay Puntland. Wax maslaxad Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana
maaha, kala go’ cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo
jiritaankii Soomaaaliya.

2- In 4-ta sano ee soo socota aan ka harno geeddi socodka doorashooyinka , masiirka
Puntland-na ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn . Sidoo kale arrintani waxay abuuri
kartay jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo Soomaaaliya
dhexdeeda.

Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirna waqti xasaasi ah wuxuu
keeni karay in ay wiiqanto midnimada Puntland

3- Iyo in aan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo
doorkii ay ku lahayd hogaaaminta Soomaaliya.

“Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay oon isla garanay in
maslaxadda Puntland iyo Soomaaliya ay ku jirto in aan qaadano qodobka saddexaad”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahad celiyay dedaalkii dheeraadka ahaa ee ay sameeyeen guddigii Dawladda Puntland ay u wakiilattay wada hadaladii kala duwanaa ee ku saabsanaa geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

 

IMG_4476

IMG_4481

IMG_4482

IMG_4484

IMG_4486

IMG_4487

IMG_4493

IMG_4495

IMG_4497

IMG_4499

IMG_4503

IMG_4506

IMG_4507

IMG_4508

IMG_4509

IMG_4510

IMG_4512

IMG_4513

IMG_4516

IMG_4527

IMG_4531

IMG_4536

IMG_4537

IMG_4539

IMG_4545

IMG_4546

IMG_4548

IMG_4549

IMG_4551

IMG_4552

IMG_4556

IMG_4561

IMG_4563

IMG_4565

IMG_4566

IMG_4567

IMG_4568

IMG_4570

IMG_4574

IMG_4575

IMG_4577

IMG_4579

IMG_4580

IMG_4585

IMG_4586

IMG_4588

IMG_4589

IMG_4590

IMG_4591

IMG_4596

IMG_4598

IMG_4607

IMG_4609

IMG_4613

IMG_4616

IMG_4618

IMG_4623

IMG_4624

IMG_4627

IMG_4628

IMG_4630

IMG_4633

IMG_4638

IMG_4644

IMG_4647

IMG_4648

IMG_4651

IMG_4654

IMG_4656

IMG_4658

IMG_4660

IMG_4666

IMG_4667

IMG_4669

IMG_4683

IMG_4689

IMG_4692

IMG_4693

IMG_4695

IMG_4698

IMG_4702

IMG_4703

IMG_4704

IMG_4706

IMG_4711

IMG_4712

About The Author