Dhagayso: Faysal Roble oo madaxweyne Gaas ku dhaliilay Heshiiskii Garowe ee Puntland & DFS

6 April 2016 (Puntlandes) Faysal Rooble oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in Puntland ay saxiixdo nidaamka 4.5, waxaana uuna ku dooday in meeqaamkii Puntland uu hoos u riday Heshiiskaasi.
211-8

Dhanka kale waxa uu Faysal Rooble ku tilmaamay Khalad in Puntland Xildhibaanadeeda lagu soo doorto Garowe oo lahaado Saxiixa u dambeeya madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuuna yiri “Waxa kaliya cusub in madaxwaynuhu saxiixayo xildhibaannada labada aqal ee Puntland u matalaya, waxyeelo wayn ayay Puntland gaarsiinayaa qodobadaasi, waxayna waxyeeladu tahay in madaxwaynuhu liiska saxiixayo oo qofkuu rabo ku darayo, qofkuu rabana ka reebayo, waxaan ka baqayaa in reeraha qaar-kood ay tani carro wayn ku reebi doonto”

Faysal Rooble  ayaa waxaa uu dhaliil xooggan u jeediyay Baarlamaanka Puntland oo uu ku tilmaamay Maqaar-saar, waxaana uu iftiimiyay in loo baahanyahay in baarlamaanku ay la xisaabtaan madaxwayne Gaas, isla markaana uu si nidaam ah madaxwaynuhu u qanciyo wakiilada shacabka.

Faysal Rooble  ayaa waxa uu horay usoo jeediyey in Puntland ay banaanka ka ahaato doorashada Soomaaliya ilaa iyo 2020ka, taasoo ah mid aan macquul ahayn oo Puntland magaceeda lagu qaraabanayo Xamar una keenaysa Puntland Tafaraaruq Siyaasadeed.

Dhagayso Faysal Rooble

 

About The Author