Sawirro: RW DFS oo Ardayda Jaamacadda Barica Africa khudbad u jeediyay

6 April 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke oo wali ku sugan Caasimada Puntland ee garowe ayaa maanta la kulmay Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garowe, kulankaan ayaa waxaa ku weheliyey Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo Puntland, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda.

Maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Garowe Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa ugu horayn kusoo dhaweeyey Raysul Wasaaraha DFS iyo wafdigiisa xarunta Jaamacadda, iyadoo uu in sheegay Jaamacaddu ay kamid tahay kuwooda ugu faca-weyn Soomaaliya isla markaana ay ka soo baxeen aqoon yahano iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh dalka.

Raysul Wasaare Cumar ayaa khudbad ka jeediyey hoolka ay Ardaydaasi kusoo diyaariyeen maamulka Jaamacadda Bariga Afrika, waxaana uu faah faahin ka bixiyey isbedellada nabadeed iyo hormarineed ee ka jira Dalkeenna, gaar ahaan xiligan kala guurka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hada gashay isbdedel baaxad leh islamarkaana quseeya dhinacyada hormarka iyo nabadda.

Raysul Wasaaraha ayaa ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay Waxbarashadu,wuxuuna xusay in aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Jaamacadda iyo sida qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay. Isagoo Ardayda wax ka barta Jaamacadda Bariga Afrika ku booriyay in ay ka dhabeeyaan Hanka ay ku doonayaan inay guul kaga gaaraan Waxbarashadooda.

Raysul Wasaaraha oo Ardeyda la hadlayey ayaa yiri “Soomaaliya waxey xiligan gashay isbedel, waxaan galnay xili dalkeenu u diyaar garoobayo doorashooyin, shacbiga Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u yihiin iney wax wada qabsadaan taasi oo horseedaysa isbedellada aan dooneyno sida doorashooyinka dhowaan dhaci doona”

Raysul Wasaaraha ayaa kusii daray “Dawladdu waxey ahmiyad siineysaa sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursadda ay leeyihiin oo la xiriirta hormarka,dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya waayo waxaad la socotaan in Xukuumadda aan hoggaamiyo u badan tahay dhalinyaro. Waxaa kale oo kaalin mugleh uga jira haweenka Soomaaliyeed. Dawladdu waxay fursad siinaysaa Ardayda aqoonyahannada ah ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha Dalka, waana qeyb ka mid ah isbedellada hormarineed oo aynu dooneyno inaan dalka ka hirgelino”

Khudbadda Ra’iisul Wasaaruhu uu jeediyey kadib ayaa Ardayda Jaamacaddu waxey bilaabeen iney su’aallo weydiiyaan, waxaana su’aallaha la weydiiyey ka mid ahaa sida ay doonayaan iney u wajahaan marxaladdaha uu dalku ku jiro, gaar ahaan doorashooyinka iyo sida looga gaashaamanlahaa dhibaatooyin ay keento amni darro oo ka dhaca dalka maadaama ay Soomaaliya weli argigixisadu saameyn ku leedahay.

Ugu danbeyn, Maamulka Jaamacadda ayaa Shahaado Sharaf guddoon siiyey Ra’iisul Wasaaraha.

5-1

3-2

ardeyda

ciid

cumar

cumar1-740x493

eau

eau3

euu

About The Author