Maqaal xiiso badan: Heshiiskii Garoowe Guul mise Gunimo? WQ Faysal Siciid dheere

Waxaa beryahaan hareeyey baraha Bulshadu akhbaaraha isku waydaarsato heshiiskii dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Hadaba waxaa Shalay kasoo dhexmuuqday aaladaha fogaan araga Madaxweynaha Puntland oo sharaxaya sababta ay heshiiska u qaateen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sadex arimood u gudbooneyd inay mid uun qaataan ayna tan lagu heshiiyey qaateen.

Sadexda arimood waxay kala ahayeen:

  1.  In Soomaaliya Laga go’o
  2.  In geedisocodka doorashooyinka 2016 aan laga qayb qaadan
  3. In la ogolaado hanaanka geedisocodka doorashooyinka 2016 laakiin lagu mintido inaan (4.5) dib usoo laaban.

 

Inkastoo aniga aragtidayda uu Madaxweynahu si waafi ah uga jawaabay dhamaan su’aalaha talada halkay ku haboonaydna uu dhigay.  Warbixntiisii waxaa kamid ahaa inay qayla dhaanta diidmada 4.5 ay meel fog gaarsiiiyeen ayna adagtahay in hanaanka 4.5 uu dib dame usoo laabto. Waa suurta gal in arintu halkaas ku biyo shubato. Laakiin anigu waxaan kamid ahay dadka jeclaa inaan dooda diidmada 4.5 aan shacabka la gaarsiin oo ay ku koobnaato goobaha wadahadalka ee ay masuuliyiintu xaajaada ku gorfaynayaan haba lala kaashado gacan sadexaad hadii loo baahdo’e.

 

Waxaan aaminsanahay WAR shacab gaarey walaahow yaa u dameeya waana sababta keentay in dad badan dhiigu ku karo waayo hadaanu nahay shacabka  ma wada ogin duruufaha siyaasadeed ee ku xeeran wada xaajoodyada. Horaa Soomaali u tiri “xaajo nimaan ogeyn indhuhuu ka ridaa”.

 

Hadaan usoo laabto sababta igu kaliftay inaan qoraalkaan qoro oo ah inaan wax ka iraahdo qodobka 1aad. Dadka aaminsan in heshiisku hagardaamo ku yahay Puntland markaad dhuuxdo doodooda qaarkood waxay u ololaynayaan in Soomaaliyaba laga go’o. Hadaba waxaan lee yahay dadka fikirkaas guracan aamisan inay ka waantoobaan dariiqaas kuwii u horay u qaadayba aan meel fog gaarsiin ee weli dhabarkoodu sii muuqdo.

 

Midakale Sida Madaxweynuhuba khudbadiisa ku sheegay Puntland waxaa loo asaasay in lagu baadi goobo Qarankii burburay. Dadka Puntland ku abtirsadana waxay weligood hormuud u ahaayeen midnimada iyo wadajirka umada soomaaliyeed maantana waxayba taagan tahay “Yaa Maali jirayey”.  Su’aasha u baahan in leysweydiiyo waxay tahay yaa laga go’aayaa xageese loo go’ayaa?

 

Jawaabta waxa laga rabaa cida u ololoyenaysa kala taga laakiin anigu waxaan lee yahay walaalayaal Qaraniamdu waa geed harweynoo aynu wada harsanayno marka “GEEDKAAD HARSANAYSO GUNTA LAGAMA JARO, LAMA GOOYO GARABKIYO GACANTAADA MIDIGTAA”. Tabasha kastoo jirta marna wax maanka geli kara maaha in Puntland ka go’do Soomaaliya inteeda kale waxaana lee yahay “Waa la doogiye yaan ladacaroon”.

 

Waxa kaloo jira kooxo kale oo aan iyagu rabin go’itaan laakiin heshiiska u mucaardsan dano siyaasadeed oo iyaga u gaara waxkastoo lasheegana aan mowqifkooda kasoo dabcayn xaalkooduna yahay “Nin meeli u cadahay meeli kamadow”. Anigoo ixtiraamaya mowqifkooda mucaardnimo qadirinaayana afkaartooda hadana waxaan leeyahay doonitaanka danta gaar’aahneed yey idinka indha tirin maslaxada dadka iyo dalka wixii Allah idiin qoray weyn maysaane.  Geesinamadana waxaa kamida inaad maslaxada guud kala shaqayso nimaad mucaardsan tahay ee aanad oran maantuu dagan yahaye ka danyso.

 

Gabagabadii koley ruux walbaa garaadkiyo garashadiisu cabiraaye waxaan qormada kusoo afmeerayaa go’aankii ay qaateen Madaxda Puntland oo ugu horeeyo Madaxweynuhu wuxuu ahaa go’aan geesinimo, yadiido leh, aragti fogna xambaarsan. Mureba haka kharaaraatee go’aan qaadashadu waa udub dhexaadka hogaaminta runtii waxaa ceeb ahaan lahayd inay Puntland kusii jirto walaahow siyaasadeed mudo intaa kabadan. Sidaa daraadeed maadaama aanay suurta gal ahayn in dadku dhamaan wax isku raacaan isku sina wax u wada arkaan waxaan qabaa in laqaatay go’aankii ugu macquul sanaa marka labda kale loo barbardhigo.

 

Madaxweyne “Fa’idaa casamta fatawakal calalaah”.

218-8e1

W/Q Faysal Siciid dheere

Email: ludacad11@gmail.com

 

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author