Sawirro: Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo Xalay Casho u Sameeysay Ganacsatada Soomaaliyeed

7 April 2016 (Puntlandes) Kulan casho Sharaf ah oo ay soo qaban qaabisay safaarada dowlada soomaaliya ay ku leedahay dalkani Kenya oo ay ka soo qeyb galeen ganacsatada soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo mas’uuliyiin ka socday bangiga aduunka ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi.

Ujeedada kulanka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan mas’uuliyiinta safaarada soomaaliya ay ku leedahay dalkani Kenya ayaa waxa ay ahayd is barasho dhex marta ganacsatada soomaaliyeed ee ka ganacsata Kenya iyo safaarada Soomaaliya iyo waliba sidii ay safaaradu isugu xiri lahayd ganacsatada iyo iyo hay’adaha caalamiga ah ee maal galiya ganacsiga.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay C/laahi Cismaan Ismaciil (Fu’aad) oo safaarada soomaaliya u qaabilsan dhanka ganacsiga’waxana uu soo dhaweeyay ganacsatada’isagoo sheegay in kulankan uu yahay is barasho ayna jiri doonaan kulamo kale oo kan ka balaaran.

Qaar ka mid ah ganacsatadii ka soo qeyb gashay kulankan casho sharafta ah ayaa soo dhaweeyay kulanka ay soo qaban qaabisay saafarada’iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka,uuna bilow u noqon doono wada shaqeyn dhex marta safaarada soomaaliya iyo ganacsatada soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo soo xiray kulanka casho sharafta ahaa ayaa shegay in 5-ta bisha soo socoto uu dhici doono shir weyn oo ay safaarada isugu keeni doonto ganacsatada soomaaliyeed ee ku kala nool Kenya iyo soomaaliya si ay u wadaagaan khibradahooda ganacsi.

Markii uu dhamaaday kulanka casho sharafta ah ayaa mas’uuliyiinta safaarada waxa ay kulan albaadadu u xirnaayeen oo dood wadaag ahaa la qaateen ganacsatada soomaaliyeed’waxana kulankaasi looga hadlayay qaabka ay ganacsatada soomaaliyeed uga qeyb qaadan karaan maalgashiga dalka’iyadoo su’aalaha ganacsatadana ay ka jawaabayen ku xigeenka safiirka Ahna qunsulka koobaad ee safaarada Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Xassan Nur oo ah Madaxa IFC.

IMG_6801IMG_6803IMG_6806IMG_6812IMG_6835IMG_6842IMG_6843IMG_6845IMG_6852IMG_6857IMG_6868IMG_6870IMG_6892IMG_6895IMG_6898IMG_6899IMG_6900IMG_6904IMG_6906IMG_6907IMG_6915IMG_6920IMG_6921IMG_6922

About The Author