DAAWO MUUQAAL:- KHUDBADDII MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND UU KU SHARAXAY SABABTA AY PUNTLAND U AQBASHAY HESHIISKII GAROOWE

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta ayaa 05, April 2016 waxa uu si rasmi ah u booqday xarunta dhexe ee warbaahinta Dawladda Puntland ay ku leedahay Caasimadda Garoowe, halkaas oo uu si toos ah shaashada Puntland Tv ugala hadlay guud ahaan shacabka Puntland iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Dawladda Puntland u saxiixday heshiiskii dhowaan lagu gaaray Caasimadda Garoowe.

89ab

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbaddiisa ku sharaxay ujeedka ay Puntland u gashay heshiiskii Garoowe, wuxuuna yiri

“ Inta aanan sharxin wuxuu xanbaarsan yahay heshiiskani, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in ay Puntland saddex arrimood mid uun doorato in ay taladu kusoo ururtay.

1- In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa ujeedadii iyo hadafkii
loo dhisay Puntland. Wax maslaxad Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana
maaha, kala go’ cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo
jiritaankii Soomaaaliya.

2- In 4-ta sano ee soo socota aan ka harno geeddi socodka doorashooyinka , masiirka
Puntland-na ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn . Sidoo kale arrintani waxay abuuri
kartay jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo Soomaaaliya
dhexdeeda.

Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirna waqti xasaasi ah wuxuu
keeni karay in ay wiiqanto midnimada Puntland

3- Iyo in aan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo
doorkii ay ku lahayd hogaaaminta Soomaaliya.

“Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay oon isla garanay in
maslaxadda Puntland iyo Soomaaliya ay ku jirto in aan qaadano qodobka saddexaad”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahad celiyay dedaalkii dheeraadka ahaa ee ay sameeyeen guddigii Dawladda Puntland ay u wakiilattay wada hadaladii kala duwanaa ee ku saabsanaa geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author