Maqaal: Puntland ma himiladii loo aas-aasay bay weli joogtaa? W/Q M Saliid

Qormadaan waxaa igu kalifay markaan dhegeystey khudbaddii madaxweynaha ee ku saabsanayd, sababaha keenay in uu go´aanka 4.5 uu ogolaado.

Dooddaani waxay toos u abaaraysaa madaxweynaha Puntland. Maadaama aan fursad loo helin in meel fagaare ah lagala doodo. Ogaada qofka madaxdaa ee aan in lala doodo ogolayn waa kaligii taliye. Wadamada Dimuqoraadiga ah, waxaa si furan looga dooda arrin kasta ama masiiri ha ahaato ama yay ahaanine. Markaa dabadeed waxaa lagu kala baxaa cod.

Sharciyan Puntlandtii 1998dii iyo Puntlandta Maanta 2016 waa kala duwan yihiin.

Puntlandtii  1998

Waxaa loo aas-aasay raadin qaran Soomaaliyeed. waxay middaasi inoogu qorrayd, axdigii kumeelgaarka ahaa oo sidaan dhigayey.

QODOBKA 2AAD, MAGACA IYO NIDAAMKA DAWLADDA
1. 1. Magaca Dawladdu waa Dawlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
2. 4. Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya xil ayaana ka saaran baadigoobka iyo dhawridda dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habk Federaaliga ah.

 

Puntlandta Maanta 2016

Waxaa Puntland yeelatay sannadii 2012 dastuur, kaasoo bedeley axdigii kumeelgaarka ahaa  iyo magacii Puntlandba. wuxuu u qorraa sidatan.

Qodobka 1aad MAGACA IYO HIMILADA
1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
Qodobka 4aad HANNAANKA XUKUNKA
1. Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
2. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka iyo kan Dawladda Puntland.
3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.
4. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:
b. Soomaalidu ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga ah.
t. Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.

Xukuumaddeenu waxay si joogta ah u isticmaalaan magicii laga guurey. Waxay kaloo ku doodaan ama Madaxweynuhu ku doodaa himiladii loo aas- aasay Puntland ee iyana la bedeley.

Haddaan waxa lagu heshiiyey la xaq dhawrayn, inta la qubo dadkana haloo sheego in wixii maanta ka danbeeya uu sharciga Puntland yahay Madaxweynaha iyo wuxuu madixiisa ka damco.

kolley laga filimaayo in ay xukuumadu si dimuqoradi ah dood furan ay dadka uga Qabtaan. Waxaase is weydiin leh oo ay tahay inuu shacabku ka doodo in ay qumantahay in xukuumaddii timaadaba ay inta wixii hore loo sameeyey ay tuuraan ay maalin kasta kow wax kasoo bilaabaan.

177c3

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author