Sawirro: Safiirka DFS ee Maraykanka oo kulan soo dhawayn ah loogu Qabatay Garowe

7 April 2016 (Puntlandes) Munaasibad lagu soo dhawaynayo Safiirka DFS u fadhiya dalka Maraykanka Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa xalay loogu qabtay hotel New Rays ee magalada Garowe.

Kulankan waxaa ka qayb galay masuuliiyiin kala duwan oo isagu jira siyaasiyiin, ganacasato, culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sidoo kale waxaa goobta joogay masuuliyiin dowladda ka tirsan sida wasiirka Amniga,wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, mamulka gobalka Nugaal, kan degmada iyo siyaasiyiin hore oo gobalka Nugaal kasoo jeeda.

Masuuliyiintii kulankan ka hadlay waxay safiirka ku dhiiri galiyeen inuu ku dadaalo sidii uu u gudan lahaa waajibaadka saaran iyo masuuliyada xilka uu hayo sidoo kale waxay sheegeen in looga fadhiyo wax-qabad uu kusoo kordhiyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Arrimaha kale ee lagu soo qaaday kullanka waxaa ka mid ahaa in laga wada shaqeeyo Midnimadda, nabadgelyada iyo horumarka Puntland guud ahaan gaar ahana Gobalka Nugaal.

Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa isaguna kulanka ka hadlay wuxuu ku dheeraaday ahmiyada ay midnimada dadka iyo sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa horumarka iyo sidii dalka looga hir galin lahaa dowladda buuxda.

Danjire Cawad wuxuu ka hadlay oo kale in Soomaalida ay tahay umadda aan kala maarmin isla markasna ay noloshoodu isku wada xiran tahay sidaasi darteedna baahi badan loo qabo in dib loo abuuro kalsoonidii ummadeed ee burburtey 25-kii sano ee tagay.

3
1

2

 

4

About The Author