Sawirro-Dhagayso: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Tababar u soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7-April-2016-ka Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Tababar ugu soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada dawladda Puntland oo muddo dhawr bilood ah ay tababarro uga socdeen labada xarumood ee Madaxtooyada ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada shaqadoodu kuma koobna ilaalinta Madaxtooyada oo keliya balse waxay qayb ka qaataan hawl-gallada deg-degga ah ee la faro in ay fuliyaan iyo sidoo kale in ay kaqayb qaataan dagaallada lagula jiro kooxaha sharwadayaasha Al-shabaab iyo cid kasta oo kusoo xad gudubta Puntland, waxaana ciidankaas oo aad u tiro badan saaka tababarka  loosoo xidhay  161-askari oo kamid ah ciidankaasi,  iyadoona uu ugu dambayntii Madaxweyne Gaas guddoonsiiyey shahaadooyin sharafyo qayb kamid ah ciidankaasi oo xilligii tababarku socdey muujiyey dedaal dheeraad ah.

Sidoo kale Munaasibadda Tababarka loogu soo xidhayey ciidanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle sare Abdirashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob), Saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka iyo agaasimayaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka dedaalka ay ugu jiraan tayaynta iyo qalabaynta laamaha kala duwan ee ciidanka taas oo sabab u noqotay in ay toddoba cisho gudohood kusoo afjaraan hawl-galkii Puntland lagaga sifaynayey kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kula dardaarmay ciidankii tababarku usoo xidhmay  in looga baahan yahay in ay marwalba ka duwanaadaan ciidamada kale maadama ay joogaan muraayaddii dalka oo ah halka laga qiimaynayo tayada ciidanka dalka, waxaana u u ballan qaaday Madaxweynuhu in ay heli doonaan tababarro dheeraad ah iyo dallacsiin.

Dhagayso Madaxweyne Gaas

 

IMG_4767IMG_4768IMG_4771IMG_4772IMG_4774IMG_4777IMG_4778IMG_4780IMG_4781IMG_4785IMG_4786IMG_4789IMG_4790IMG_4793IMG_4794IMG_4797IMG_4799IMG_4806IMG_4809IMG_4811IMG_4813IMG_4816IMG_4817IMG_4819IMG_4825IMG_4826IMG_4827IMG_4829IMG_4830IMG_4834IMG_4847IMG_4850IMG_4853IMG_4854IMG_4856IMG_4860IMG_4865IMG_4870IMG_4873IMG_4874IMG_4877IMG_4881IMG_4888IMG_4889

About The Author