Dhagayso-Sawiro: Maamulka Gobolka Mudug oo kulan Amaanka l Xiriira laqaatay Dadka Kasoo Jeeda KGS

7 April 2016 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Mudug ayaa waxaa ay maanta kulan la qaateen dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo waxaana kulankaasi uu kusaabsanaa sidii ay Amaanka magaalada ay uga qayb qaadan lahayeen.

Dadka aan Xilkas ahayn oo idaacadaha ka hadlay.ayaa waxaa ay dhaheen hana baxaan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxaana taas kasoo horjeestay shacabka iyo dowlada Puntland. kulankan ayaa waxaa la isku af gartay in si wada jira nabad diidka looga hortago.

Qaar kamida dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ka hadlay kulanka ayaa sheegeen inay Puntland waqti badan joogeen wax dhibana aysan ku qabin ayna kaalin ka qaadanayaan sugida amaanka ayna dowlada ka garab siinayaan wixii danta shacabka dhib ku haya.

Dhagayso Faaisa Jaylaani oo ka mid ah dad kasoo Jeeda KGS


Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug Axmed muuse nuur  oo ka hadlay kulanka ayaa sheegey in dadkaan aysan jirin wax ku gaara dadka war xuma tashiilkaana ay ka tanasulaan waxa ay maanka ku hayaan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeedna ay dadka Gobolka kamid yihiin.

Dhagayso Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug


Ugu dambayntii Guoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa waxaa uu shegey inay isku af garteen in dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay soo gudbiyaan cidii ay u arkaan inay nabada carqalad ku yihiin. Wuxuu kaloo Gudoomiye Xasan intaas kusii daray inay ku Heshiiyeen in Beel walba ay keensato Nabadoon ay soo Doorteen oo maamulka kala shaqeeyana Amaanka, kana warbixiya dadka cusub ee kiusoo biira Gobolka Mudug.123456789101112131415

About The Author