Afey “Hadii Puntland aqbali laheyn nidaamka 4.5, sanadkan doorasho ma dhacdeen”

7 April 2016 (Puntlandes) Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii DFS iyo Puntland ku gaareen Caasimada Puntland ee Garowe, isagoo xusay in heshiiskan uu Soomaaliya ka badbaadiyey Mugdi.

213-9f

Amb. Afey ayaa Caddeeyey in heshiiskan uu tilmaam u yahay in Soomaaliya ka gudubto nidaamka Qabaliga ah ee 4.5, kaasoo uu xusay in Puntland horay uga biya diidsaneyd.

“Heshiiskaas muhiimadiisa waxay aheyd in Puntland ku soo biirto hanaanka doorashada 2016, marka hore ay ka biya diidsaneyd, isla markaana sababo badan oo aan garawsanay uga biya diidsaneyd, nidaamka 4.5 Puntland kaliya ma diidaneyd, soomaali badan ayaa diidanaa”

Danjire Afey ayaa yiri “Anaga waxaa noo muuqatay in hadii Puntland sanadkan ka qeyb gelin doorashada, in mustaqbalka Soomaaliya uu mugdi geli lahaa, isla markaana aanay doorasho dhici laheyn”

IGAD oo ay Hogaanka u heyso dowladda Itoobiya ayaa damaanad qaad buuxa ka aheyd Heshiiskii Garowe ee Puntland ku qaadatay nidaamka 4.5, balse wixii ka dambeeya 2016 aan dib dalka looga isticmaali doonin.

Dhanka kale GAD ayaa sheegtay inay diyaariyay Qorsha Soomaaliya uga baxeyso wax ku qeybsiga Hanaanka 4.5 islamarkaana Soomaaliya aysan mar dambe wax ku qeybsan doonin waxii ka dambeeya 2016 oo Soomaaliya ay Doorasho ka dhaceyso.

About The Author