Sawiro: Gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland oo la kulmay Golaha Badbaadada KGS

8 April 2016 (Puntlandes) Mas’uuliyiin ka socda Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxgaradka, Aqoonyahano iyo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle ee Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda Xafiiska Ququuqul Insaanka Puntland Maxamed Yuusuf Cali.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo dhowri lahaa Xuquuqaha Aasaasiga ah ee dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan Puntland, iyadoo looga hadlay kulanka:

  • In tixgelin la siiyo oday dhaqameedka beesha digil & mirifle si lamid ah oday dhaqameedada punland oo ay awood u yeeshan in ay wax damiinan karaan markii cid laga soo xiro.
  • In la sameeyo isdhexgal bulshada dhexdeeda iyo odayaasha digil iyo mirifle iyo odayaasha Puntland si la isaga kaashado wixii wanaag ah meelna looga soo wada jeesado wixii dhib wada.

Mas’uuliyiintaas ayaa waxay usoo gudbiyeen Xafiiska Cabashooyin kala ah:

  1. Cabasho la xiriirta in dadka kasoo jeeda KGS si xun loola dhaqmo markii wax dhacaan iyadoo loo arko dadka Koonfurta ka soo jeeda in ay yihiin ama gacan saar la leeyihiin qaswadayaasha iyo nabad diidka.
  2. In ay jiraan dad tiradoodu aad u badan tahay oo saldhigyada kaga xiran welina aysan u cadeyn waxa loo haysto sidaas darteed waxay codsadeen in laga qanciyo sababta dadkaas loo haysto maadama ay ahaayeen xoogsato u shaqaysan jiray qoysaskooda.
  3. Codsi la xiriira n Difaacaha Xuquuqda Insaanka Puntland in uu dabagal ku sameeyo dad looga laayey Demada Galdogob, qof lagu dilay Garowe iyo dad lagu dhibaateeyey deegaanka Burtinle, Qardho, Galkacyo wax yeeladaas oo salka ku haya falalka amnidaro ee alshabaab ay ka gaysatay deegaanada Puntland.

Gabagabadii Gudoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Insaanka Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa u balanqaaday inuu wax ka qabandoono dhammaan waxyaabaha ay ka cabanayaan ama ay codsanayeen islamarkaana ay tahay shaqada iyo waajibaadka xafiiska xuquuqda aadanaha loo aasaasay.
1

2

3

4

5

6-

About The Author