Sawiro: Bursaalax Referal Hospital oo safar wacyigelin Caafimaad ah ku tagay deegaano hoos taga Bursaalax sida Rigoomane iyo Daaru salaam

8 April 2016 (Puntlandes) Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital)ayaa wuxuu  Shalay oo ahayd 7dii April 2016 safar wacyigelin Caafimaad ku tagay Deegaano hoos taga magaalada Bursaalax.

Degaanada uu Cisbitaalku wacyigelinta ku tagay ayaa waxaa ka mid ahaa  Rigoomane iyo Daaru salaam, iyadoo ay dadweynaha ku nool Degaanadaas ay si  siwayn ugu soo dhaweeyey  goobahaas Shaqaalaha Cisbitaalka Bursaalax.

Maamulka Cisbitaalka ayaa Warbaahinta Puntlandes u sheegay inay ujeedada safarkaas ay ahayd xoojinta xiriirka dadweynaha ku nool Degaanadaas iyo Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital)

Maamulka Cisbitaalka ayaa intaas kusii daray inay dadwaynaha u sharxayeen Addeegyada uu Cisbitaalku bixiyo iyo Qalab Caafimaad oo Casri ah oo loo keenay Cisbitaalka.

Dhanka kale shacbka ku dhaqan Degaanadaas ayaa si wayn ugu Farxay Booqashada uu Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital) ugu yimid Degaanadooda, iyagoo si wayna ugu mahadnaqay Maamulka Cisbitaalka iyo Guud ahaan Mashruuca Horumarinta Bursaalax shaqada wacan ee ay Bulshadooda u hayaan.

Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital) oo ah Cisbitaal Qalab Casri ah lagu qalabeeyey dhawaan ayaa wuxuu hoos yimaada oo maamula Mashruuca Horumarinta Bursaalax, oo ka kooban waaxyo kala duwan sida Dugsi Hoose Dhexe, Dugs Sare, Biyo gelinta magaalada Bursaalax, Waxbarashada dadka waawayn, Waxbarashada Arimaha Diinta, Waxbarashada farsamada Gacanto, Beero.

Mashruuca Horumarinta Bursaalax ayaa waxa uu Gaarsiiyey magaalada Bursaalax Horumar ku dayasho mudan.
218-11

218-11a

218-11b

218-11c

218-11d

218-11e

218-11e1

218-11f

Puntlandes.com

About The Author