Ismaaciil Cumar Geelle oo sidii la filayey ku Guulaystay doorashadii madaxweynaha Jabuuti

9 April 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidii la filayey ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee shalay ka dhacday dalka Jabuuti.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa waxaa lugu sheegay in Geelle uu ku guulaystay  68.68 % codadkii ay dadku dhiibteen.

218-12

Murrashaxa ku soo dhow Cumar Cilmi Kheyre ee ka tirsan dalalla mucaaradka ee USN ayaa helay 7.32 boqolkiiba.

Musharrixinta kale ee ka qayb-galay doorashada ayaa iyaguna helay,Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%, Xasan Idiris Axmed 1.39%, Jamac C.raxman Jamac 0.79%.

Saddex xisbi oo mucaarad ah ayaa waxa ay qaadaceen doorshada,waxaana qaarkood ku sheegen doorashada mid ku dhacday cadaal darro.

Madaxweyne Geelle ayaa waxa uu sidaasi ugu guuleystay wareeggii koowaad ee doorashada, Geelle ayaa waxa uu Kursiga madaxtinimada dalka Jabuuti ku fadhiyey muddo 17 sano isagoo xilka markii ugu horreysay qabtay 1999.

Puntlandes.com

 

About The Author