Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

9 April 2016 (Puntlandes) Shir ay isgu imaanayso Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ku midaysan yihiin madaxda DFS iyo kuwa Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaalagu wadaa inuu Galabta ka furmo Magaalada Muqdisho.

218-12b

Maamul goboleedyada  ayaa qarkoona ku sugan yihiin qaarka kalena ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo qaabka ay u dhici doonaan doorashooyinka sanadka.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa furi doona shirka gelinka dambe ee maanta, waxaana lagu wadaa in Madaxda DFS iyo Maamul goboleedyada shir gaar u ah ay yeeshaan.

Wararka ay warbaahinta Puntlandes ka helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxda ay go’aamin doonaan qorshaha doorashooyinka, qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, waxaana shirkan noqon doonaa mid xasaasi ah.

Qodobada Miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xulufadiisa ayaa waxaa ka mid ah heshiiskii DFS iyo Puntland ee 3-dii bishan lagu saxiixay Garowe, kaasoo awood badan siinayay Puntland, gaar ahaan dhinaca doorashada.

Sidoo kale Qodobka muhiimka ah ee go’aamin doonaan Hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa ah halka ay ka dhaceyso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, si loo doorto meel munaasib ku ah amni, waxaana laga yaabaa in dooda qodobkaas uu noqdo kan ugu dhibka badan, maadaama heshiiska Garowe uu qeyb ka ahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor inta aan la saxiixin heshiiskii Garowe soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in qodobada qaar looga hadli doono shirka Madasha wadatashiga ee Hogaamiyeyaasha qaran.

Waxaa lagu wadaa in shirka marka uu soo gaba gaboobo laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabka doorashooyinka u dhacayaan, si loo soo xulayo Baarlamaanka bedeli doona Baarlamaanka hada jira ee waqtigiisa dhamaanayo.

Quburada saadaalisa Siyaasadda Soomaalida ayaa  waxaa muujiyeen in aan la isku afgaran doonin qodobada qaar ee looga hadlayo shirkan, maadaama Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID ay ujeedadoodu tahay inay dib ugu soo laabtaan Kursiga Villa Somalia doorashada soo socota.

Puntlandes.com

About The Author