Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafti uu hoggaaminayey oo Muqdisho gaarey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo maanta 9-April-2016-ka kasoo amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Waftiga Madaxweynaha oo ay kamid ahaayeen Wasiirro, Xidhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweynta  kadib  waxaa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Soomaliya halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay ugana  warbixiyey ujeedka socdaalkiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey,  waxaana uu intaa sii raaciyey in ay halkaan u yimaadeen ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga qaran ee hoggaamiyayaasha National Leader Forum ee looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in ujeedka shirkaasi uu yahay sidii laysula meel dhigi lahaa  doorasho wanaagsan oo dalka u horseedda in ay ka curato dawladnimo soomaaliyeed  oo haysta kalsoonida shacabkeeda isla markaasina soo celinkarta amnigii iyo kala dambayntii dalka ka jiri jirtey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shirka berrito  ka furmi doona magaalada Muqdisho u rajeeyey in uu noqdo mid guul iyo horumar u horseeda ummadda soomaaliyeed ee ay daashadeen abaaraha iyo colaaduhu.

IMG_5011IMG_5026IMG_5031IMG_5032IMG_5034IMG_5038IMG_5039IMG_5040IMG_5041IMG_5046IMG_5047IMG_5049IMG_5052IMG_5053IMG_5058IMG_5064IMG_5069IMG_5071IMG_5075IMG_5082IMG_5083IMG_5085

About The Author