Dhegayso: Maamulka Koonfur Galbeed oo taageeray heshiiskii Puntland iyo DFS bogaadiyayna Puntland

9 April 2016 (Puntlandes) Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen  Golaha Wasiirada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya uuna shir gudoominayay madaxweynaha KGS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lwaxaa lagu soo dhaweeyey Heshiiskii ay dhawaan Garowe ku kala saxiixdeen Puntland iyo DFS, kaasoo ay ku saabsanaa habka Doorashada 2016ka ee la filayo inay dalka ka dhacdo.
218-13
Maamulka KGS ayaa amaanay dadaaladii uu Raysalwasaaraha DFS ku bixiyay heshiiskii dhexmaray dowladda Puntland iyo DFS.

Wasiirka warfaafinta Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo kulankaasi kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maamulka Koofur Galbeed uu DFS ku bogaadinayo heshiiskii ay la gashay maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta maamulka K/Galbeed ayaa yiri “Dowlad goboleedka Koofur Galbeed waxay ku bogaadisay DFS dadaalkii ay u gashay sidii ummadda Soomaaliyeed ay uga sii dhaqaaqi laheyd halka ay iminka taagan tahay iyo shirkii muhiimka ahaa ee lagu qabtay magaalada Garowe”

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka KGS si weyn u bogaadinayo dowlada Puntland go’aankii ay qaadatay sidii dalka Soomaaliya uu horay ugu sii socon lahaa islamarkaasna dagaalka ay la gashay Alshabaab iyo sida ay uga guulaysatay.

Dhagayso wasiirka warfaafinta maamulka K/Galbeed


Puntlandes.com

About The Author