Dhagayso: Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa ku sheegay Hishiiskii Garowe mid ka hor imaanaya Dastuurka DF

10 April 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Xoosh Jibriil o oka mida Baarlamaanka DFS ayaa uu siiyay Radio Daljir waxaa uu uga hor yimid Heshiiskii Garowe ay ku kala Saxiixdeen Puntland iyo DFS iyadoo ay Beesha caalamku Markhaati ka ahayd ayna IDAG Damaan qaaday.

218-13c

Xil Xoosh oo ku caan ah Fulinta dano dad kale ayaa waxaana uu Heshiiskaasi ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu xusay awoodaha Dastuurku uu siinayo maamullada dalka.

Xil Xoosh ayaa waxa uu iminka ku hadlauyaa Afka Kooxda DAMUL JADIID oo diidan Heshiir´skaasi iyagoo u arka inaysan dantooda ah in ay mar kale xukunka ku soo laabtaan aysan ku jirin.

 

Xil Xoosh ayaa yiri “Arrintaan waaa mid khaldan waxaa hishiiskaan uu meel uga dhacayaa marka ugu horraysa kala qaybsanaanta awoodaha fulinta iyo sharci-dajinta, tan labaad-na waa in maamul goboleedku uu talo ku leeyahay soo xulista aqalka sare, balse awooda waxaa iska leh dadka, Madaxwayne Gaas waxaa uu ka yimaadaa isaga laftirkiisu waa beel, waa muhiim in la xushmeeyo beelaha Puntland wada-daga, awood qaybsigu macneedu ma’ahan in caasumaha maamul-goboleedyada la isugu geeyo, awood qaybsigu waa in maamulka la baahiyo, tani waa sud-bursi uu samaynayo madaxwayne Gaas, waxayna samaynaysaa khilaafaad dhexmara beelaha Puntland”

Dhagayso Xil Xoosh


Puntlandes.com

About The Author