Dhagayso: Taliye Xigeenka Boliiska Puntland oo ka hadlay dhaqdhaqaaqa Ciidan ee Alshabaab ka wadaan Koonfurta G Mudug

10 April 2016 (Puntlandes) Taliye Xigeenka Booliiska Puntland Sareeye Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Erag) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayey oo sheegayey in Alshabaab ay isku Aruursanayaan Degmada Xarardheere iyo deegaano hoos yimaada Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

218-13b

Taliye Erag oo maanta warbaahiinta Garoowe kula hadlayay ayaa sheegay in dawladda Puntland ay ka feejigan tahay Alshabaab weerar kale kusoo qaada Puntland.

Taliyaha ayaa yiri ” Ma jiro ciidan gudaha jooga oo Alshabaab ah, waxaana ciidankii Puntland soo weeraray dhammaantood waa la laayay qaarna gacanta ayaa lagu hayaa, cadowgii waa jiraa dhaqdhaqaaqa ay wadana waan maqlaynay wax jira maahan mana lihin waxna kama jiraan, wana la soconaa wixii la la yimaadaana waana ka jawaabaynaa”.

Dhagayso Taliye Gen Erag


Puntlandes.com

About The Author