Dhagayso: Garaad Jaamac ”Maxamuud Saleebaan Cadaalada waxba kama yaqaanaan, Soomaaliyina waa ku taqaanaa”

10 April 2016 (Puntlandes)  Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay Heshiiskii ay Garowe ku Saxiixdeen DFS iyo Puntland ayaa dhaliilay, isagoo ku tilmaamay Heshiiskaas mid ay laba nin oo ilma adeer ah ay Xaq reer kale isa siiyeen..

219-1a

Garaadka ayaa ku eedeeyey madaxweyne Gaas inuu hore sidan oo kale ugu dhacay Kuraasta ”Khaatumo” ina adeerkiis Faroole markii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Garaad Jaamac ayaa ugu baaqay madaxweyne Gaas iyo Raysul wasaare Sharmarke inay Maxamuud Saleebaan ka dhigaan oo ku Qoraan Kuraasta ”Khaatumo”.

Dhanka kale Garaadka ayaa eedeeyey Beesha Caalamka isagoo ku eedeeyey inay wax uu ugu yeeray Cadowgooda ay Beesha Caalamku la safatay.

Waxaa Xusid Mudan inaysan jirin Cid ku Heshiisay inay ka Boobto ama ka qaadato Xildhibaanada Beesha Garaad Jaamac, ee kaliya ay Puntland iyo DFS ku Heshiiyeen in Shacabkii wada dhistay Puntland Xildhibaanadooda lagu soo xulo Caasimada Puntland ee Garowe.

Prof Cali Khaliif Galayr ayaa waxa uu sheeganayaa inuu sameeyey maamul uu madaxweyne ka yahay oo la dhaho Khaatumo kaasoo uu ku sheegtay inuu ka jaray Beeshaas Puntland, waxaana u baahan in la ogaado Sharcinimada Qof ama Koox ay maamul ama dawlad ay ku kala goyn karaan.

Garaad Jaamac ayaa caan ku ah hadalada aan u Mudnayn inuu ku hadlo ISIM Beeleed, waxaana lagu Xusuustaa hadalkii caanka noqday ee uu yiri ee haa ”Anigu Puntland uma aqaane, waxaan u aqaanaa Binti-land” taasoo ah dhulkii naagaha. Iminkana waxa uu Garaadku Beel dhan oo Shiikh iyo shariifba leh oo la yiraahdo Maxamuud saleebaan ku tilmaamay inaysan CADAALADA WAXBA KA AQOON.

Dhagayso Garaad Jaamac Garaad Cali


Puntlandes.com

About The Author