Daawo Video-sawiro: Wasiirka Maaliyadda Victoria ee Australia oo Booqday Markazka Darusalam

18 April 2016 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Gobolka Victoria ee dalka Australia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay Booqdeen Markazka Darusalam ee ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi ay dhawaan gateen.

Markazka Darusalam oo ah xarun aad u wayn oo ka kooban qaybo kala duwan oo kala ah qayb Quraanka lagu barto, Masaajid wayn iyo goob ay dhalinyadu ku kulmaan, ayaa waxa lagu wareegin doonaa Soomaalida Furaheeda 2da bisjha may 2016.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ku iibsatay Markazka Darusalam lacag dhan 2 miljan iyo bar lacagta UAustralia (2.5 miljan), taasoo inta badan ay iyagu iska uruuriyeen.

Wasiirka ayaa aad ugu amaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas oo ah dad aad isugu duuban, kana shaqeeya wanaagooda, midnimadooda iyo wax wada qabsigooda.

Waxaa Markazka Darusalam ka shaqeeyey inay Soomaalidu Iibsato laba gudi oo ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Melbourne ee dalka Australia, kuwaasoo kala ah:

Gudiga Shuurada

  • Gudoomiye: Hassan Yusuf Dhuux
  • Gudoomiye kuxigeen: Ali Yusuf
  • Xubno: 12 qof oo 3 Haween tahay
220-6a2
Gudoomiyaha Gudiga Shuurada Hassan Yusuf Dhuux

Gudiga Fukinta

  • Gudoomiye: Nuur Fiqi
  • Gudoomiye kuxigeen: Hussien Waaberi
  • Xubno: 10 qod oo 2 haween tahay

Gudiyadani runtii waxay qabteen shaqo aad u fiican oo ay Soomaalida Dalka Australia ka faa’iidaysan doonaa.

 

220-6a2

220-6a3

220-7

220-6a6

220-6a4

220-6a5
Puntlandes.com

About The Author