XOG: Raysul Wasaare Sharmarke oo Xalay u kicitimay dalka Ruushka

19 April 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashid Cali Sharmake ayaa xalay u kicitimay dalka Ruushka oo uu Casuumaad rasmi ah ka helay.

217-8l

Safarka uu Raysul Wasaare Cumar ku aaday dalka Ruushka ayaa ah mid laga qarainayey saxaafada, balse Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ka soo xigatay dad aad ugu dhow Raysul Wasaaraha oo ku sugan dalka Isu taga Imaaraatka Carabta (UAE) oo ka warhaya Safarkiisa.

Booqashada Raysul Wasaaraha iney suurta gasho ayaa in mudo ah laga shaqaynayey waxaana arinkaas ku howlanaa Wasiir ka tirsan Xukuumadda RW Sharmarke.

Ilaa iyo iminka lama oga waxa ay ka wada hadlayaan iyo cida uu Cumar la kulmi doono.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in DFS ay sii daysay warsaxafadeed ay ku cambaaraynayso dagaalkii Ukraine ee markaas ka socday Karemei, taasoo la yaab iyo amakaag ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, waxa dowlada Soomaaliya ka galay wax ka socda Ukrain iyadooba teeda u ciirsan.

Bil ka hor ayey ahayd markii Safiir cusub oo ay usoo magcawday dawlada Ruushku Soomaaliya uu waraaqihiisa ka gadoomay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Arintaan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu dalka Soomaaliya u socdo Doorasho, madaxda Soomaaliduna ay si indho la’aan ah u aado meel kasta oo danahooda qaaska ah ay ka helayaan, iyadoo maalmo ka hor ay ku dhinteen Badda Medertianian-ka 400 oo muwaadinin Soomalaiyeed ah una badan Dhalinyaro, halka madaxda dalka ugu saraysa waxaan tacsi isku daysho ahayn aan laga haynin!!!

Puntlandes.com

About The Author