Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Warshadda Hubka ee Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u joogaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa maanta 19-April-2016 waxa uu kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaadhida dagaalka iyo kuwa raaxada ee dalka Ethiopia ee lagu magcaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa marii uu soo gaadhey warshadda waxaa kusoo dhoweeyey  masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaan dhigga dalkaasi, waxaana uu kala hadlay Madaxweynuhu masuuliyiintaasi sidii Puntland ay uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ethiopia Dr. Rashiid  ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana qado sharafta kadib ay wada qaateen kulan is xog-waraysi guud ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  waxa uu dedaal xoogle ugu jiraa sidii is bedel mug leh loogu samayn lahaa horumarinta siyaasadda dibad,  koboca dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo ah halbowlaha dhaqaalaha ee Puntland iyo qaabkii ay Puntland xiriiro ganacsi ula yeelan lahayd waddamada caalamka.

 

1cf0daeb-c1fe-4799-a411-37262251e85a1f9a987d-121d-4a25-8f2d-0172fa890a377c3a5ac6-79b9-4835-a054-58be6daaf87b8ea8daec-d79a-4414-8ffb-b36d03975aa119a2bc1c-a314-49a8-824a-7802768f3cc358b29864-15c0-470e-9da9-e495e39f92d866cbabdf-5e8e-433a-bf94-236c3e7d21cf400e3372-400a-4c89-8a20-a1a8188ce0859171c1a0-7604-45e0-a8bd-39f405b3228f96055ee4-0ea7-4945-b77e-b9115c45763253171242-03e5-4ebc-b402-159da196955274138567-53e9-470c-877d-c5dcc090c865a6bef9d1-49b5-4a18-852f-39a8c9b3e764a95fce6a-f748-4e8b-b091-768c8e5da9eda0312200-4cce-4e80-bc02-52c54e1082d5aaa553e8-dd1e-4a0b-818f-4483844c534aab663744-b578-44da-9249-0aad29f1ba52b66a88f6-f8e4-43f3-873b-eb2b7bc91870bf1a40e1-3198-4725-8eb7-83f26fb2c3ffd0a851e2-da28-4227-bee5-90eed48c532d

About The Author