Sawirro: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland oo xadhigga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland anha kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 20-April-2016 waxa uu xadhigga ka jaray dhisme cusub oo labo dabaq ah oo ay leedahay Wasaaradda Arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland, dhismahaas oo dhowaan laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay munaasabaddii dhismahan cusub ee Wasaaradda xadhigga loogaga jarayey Wasiirka Arrimaha gudaha, ku-xigeenkiisa, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, ku-xigeenkiisa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimayaal, shaqaalaha Wasaaraddaasi iyo dadweyne kale.

Ka hor intaan xadhigga laga jarin dhismaha cusub ee Wasaaradda ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka sida jaan-dheerta taas oo lagu muujinayey doorka ay wasaaraddani ku leedahay arrimaha dhaqanka iyo bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dhismahan oo uu goob joog ka ahaa dhagax dhiggiisii  muddo 10 bilood ka hor ah uu maantana xadhigga ka jarayo.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka mid tahay wasaaradaha ugu miisaanka weyn Puntland maadaama ay laxidhiidhaan dhammaan dawlaha hoose ee degmooyinka Puntland iyo horumarinta reer miyiga oo ah laf-dhabarta dalkeena, isla markaana ay xaq u leedahay in ay hesho dhismahan iyo mid kasii ballaadhan ba si bulshada loogu adeego.

Ugu dambayntii kusimaha Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Arrimaha gudaha  in ay dar-dar geliyaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhammaystiraan dhismaha golayaasha degaanka ee degmooyinka aan lahayn golayaasha deegaanka, maadaama Puntland ay dhowaan u guuri doonto hannaanka dimuqraadiyaynta iyo asxaabta badan ayna lagama maarmaan tahay in degmo waliba ay leedahay gole deegaan oo dhammays tiran.
IMG_6352IMG_6353IMG_6354IMG_6355IMG_6356IMG_6357IMG_6360IMG_6361IMG_6362IMG_6365IMG_6369IMG_6371IMG_6375IMG_6376IMG_6377IMG_6379IMG_6383IMG_6385IMG_6386IMG_6387IMG_6389IMG_6390IMG_6391IMG_6393IMG_6394IMG_6395IMG_6399IMG_6400IMG_6404IMG_6408IMG_6412IMG_6413IMG_6417IMG_6421IMG_6428IMG_6429IMG_6431

About The Author