Dhagayso: Afhayeen Quraan-jecel oo sheegay in warbixintii Xafiiska Difaacaha Xaquuqul aadanaha lagu dag dagay

20 April 2016 (Puntlandes) Dawlada Puntland ayaa Warsaxaafadeed kasoo baxay ku caddaysay in aysan Puntland ka jirin wax-gabood-fallo ah ama tacadi ah oo lagula kaco dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.

216-4e

Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraanjecel ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljr waxaa uu ku beeniyay in aysan Puntland ka jirin wax gabood-fallo ah.

Afhayeenka Quraanjecel ayaa sheegay in dowladda Puntland ay aad uga xuntahay labo qof oo rayid ah oo lagu dilay dhawaan Gaalkacyo, wuxuuna shaaciyay in dowladdu guddi baaraya arrintaasi ay u xilsaartay,  si cadaaladda loo hor-keeno.

Dhanka kale Afhayeenka Quraanjecel ayaa sheegay in dawlada Puntland ay u aragto warbixintii Xafiiska Difaaca Xaquuqul aadanaha mid lagu dagdagay.

Dhagayso waraysiga  Quraanjecel

Puntlandes.com

About The Author