Dhagayso: Agaasimaha Ciidamada Badda Dowladda Puntland oo ka hadlay sababta ciidamada loo geeyey Garacad

21 Apr 2016 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa dhawaan waxay Saldhig uga samaysay Ciidanaka Badda Puntland Deegaan Xeebeedka Garad ee ka tirsan Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

216-2

Agaasimaha ciidamada badda Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa markii u horaysay ka hadlay sababta ay dawladda Puntland ay ciidamo badan oo katirsan kuwa badda u geysay deegaankaas oo ahaa halkii ugu horaysay ee Puntland Alshabaab ay kasoo Weerareen.

Agaasime Cabdiraxmaan ayaa waxaa sheegay in ciidamada ay u tageen deegaankaas kadib amar uga yimid madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas , iyagoo ka dhigan doona saldhig wayn oo ay amaanka ku ilaaliyaan.
Dhagayso Waraysiga Agaasimaha

Puntlandes.com

About The Author