Xafiiska Difaacaha Xuquul Aadanaha Puntland oo Sameeyey Numabaro ay Si Deg Deg ah dadwaynuhu uSoo Wici karaan

21 Apr 2016 (Puntlandes) Xafiiska Xuquul Aadanaha Punland ayaa maanta Soo Bandhigay Lambaro lacag La,aan dadwaynuhu ugala Soo Xiriiri karaan Xafiiska, taasoo u sahlaysa in Cidiii Cabsho Xaga Xuquuqda Aadanaha ah ay si fudud ku soo wacaan xafiiska iyagoon imaan Meesha uu xaffiisku ku yaalo.

197-2

Gudoomiyaha xafiiska difaacaha xuquuqul aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay in wicitaankaan degdeg ah ay ka hirgalinayaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ee Gaalkacyo, Garowe, Qardho iyo Bosaso.

Magaalooyinka lambarada la siiyey ayaa ah magaalada Gaalkacyo ayaa la siiyey lambarka 234, Garoowe 323, Qardho 322 iyo Magaalada Boosaaso oo la siiyey 321.

Gudoomiyaha difaacaha xuquul aadanaha Puntland ayaa sheegay in wicitaankaan degdeg ah ay dadweynaha u faa,iidaynayso inay si deg deg ah ula soo xariiraan  xarumaha xafiiska difaacaha xuquul aadanaha iyagoon aan safar u soo galin.

Hay,ada UNICEF ayaa taageero dhaqaale ka gaysatay Masharuucaan waxaana masuul u hadlay uu sheegay in u jeedada laga leeyahay adeegaan ay tahay sidii loo dardargalin lahaa ilaalinta xuquuqda aadanaha gaar ahaan haweeenka iyo caruurta.

Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay oo adeegaan wicitaan laga hirgaliyo Puntland tan iyo markii la aasaasaay xafiiiska difaacaha quxuuqul insaanka Puntland sanadkii 2014 waxxaana gudooomiyaha xafiiskaan uu sheegay in shacabka Puntland si wacan uga faa,iidaysan doonaan.

Punytlandes.com

About The Author