Sawiro: Col Osman Abdi Maneno oo mida Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska DFS, PL, KGS & GM oo Tababar hogaaminta Booliska u aadaya Talyaniga (Xaflad loo sameeyey)

21 Apr 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta ka dhacday iskoolka Booliska Muqdisho Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo xambaarsan Sagootin, Baraarujin 30 Saegaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska DFS  Puntland, Koofur Galbeed iyo Galmudug oo Tabar u aadaya dalka Talyaaniga.

Waxaa xafladda kasoo qabg galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Shiiq Xasan Xaamud iyo Saraakiil badan oo ka tirsan Ciidankaasi.

Taliye Xaamud ayaa kulan dardaaran ah la qaatay 30 Saraakiil ah oo katirsan ciidanka Booliska Soomaliya kuwaas oo dhawaan u anbabixi doono magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga halkaa soo ay kaga qeeb galidoonaa aqoon kororsi socon doono mudo sadax Bilood ah.

Tababarku oo ah mid ay ka qayb qaadanayaan Sarakiil Sare ayaa waxaa lagu soo barayaa Hogaaminta Booliska, wuxuuna soconayaa Tababarku muddo 71 cisho ah.

Dhanka Puntland waxaa Tababarkan ku jira laba Sarkaal oo Sare kuwaasoo horay Cilmiga Booliska ugu soo Bartay dalka `Talyaaniga, hadana ah Gaashaanle yaal sare.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay magacyada labadaas Sarkaal oo Puntland ka socda waxayna kala yihiin:

    1. Col Maxamed Cabdi Axmed oo ah Taliyaha Tababarada iyo Xiriirka Dibada ee Booliska Puntland 
    2.  Col Cismaan Cabdi Maneeno Yuusuf Dhuux oo ah Sargaal ka tirsan Hogaanka Dambi Baarista Puntland

1

2

2a

2ab

2ac

2ad

2ae

2af

3

3a

3aa

3ab

3ac

3ad

3ae

3af

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21
Puntlandes.com

About The Author