Dhagayso-Sawiro: Wax ka ogow Markazka Darusalam ee ay Jaaliyada Somaliyed ee Melbourne, Australia, iibsatay

21 Apr 2016 (Puntlandes)  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne ayaa iibsaday Goob wayn oo ay ka dhiganayaan Masjid, Goob lagu Barto Cilmiga Islaamka iyo waliba Goob dhaliyaradu ku kulmaan.

220-6a2
Gudoomiye: Gudiga Shuurada Hassan Yusuf Dhuux


Gudoomiyaha Gudiga Shuurada mudane Xasan Yuusuf Dhuux oo warbixin uu Ummmadda Soomaaliyeed ugu talagalay usoo diray Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegay inay Darusalam Goobta ay gadatay ay tahay Goob Wayn oo ka kooban 2350 m2 .

Gudoomiye Xasan ayaa wuxuu intaas kusii daray in 2000m2  loogu talagalay in Caruurtu ku ciyaaraan 6 Cisho Todobaadkiiba, iyadoo maalinka Jimcaha inta Gogol Esbeshel ah la dhigo lagu Tukan doono.

Gudoomiye Xasan ayaa wuxuu kaloo sheegay in 350 m2  ee soo harayna oo ah laba Danakh ay ka dhigayaan Xafiisyo kala duwan oo ay qaar Haweenku leeyihiin, waxaana ku jirta meel 6da maalmood oo kale lagu tukan doono oo Masaajid ah.

Xasan Yuusuf Dhuux ayaa mar uu ka hadlayey lacagta ay ku iibsadeey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxa uu yiri ”Dhulkaas waxanu ku bixinay 2500 000 doolar (laba miljan iyo shaboqol oo kun oo doolar), waxaanu ururinaynay 7 sano, hadana waa noo dhamaatay bisha May ee soo socota ayeyna noogu egtahay”

Xasan waxaa kaloo uu sheegay inaysan lacagtaas meel aan magaalada Melbourne ahayn aysan ka helin, cid aan Soomaali ahayna aysan waxba ka helin, isagoo Xasan Sheegay in wali lagu leeyahay 1 miljan oo doolar oo dayn ahaan loogu leeyahay.

Darusalam oo ah xarun aad u wayn oo ka kooban qaybo kala duwan ayaa waxa lagu wareegin doonaa Soomaalida Furaheeda 2da bisha may 2016.

GACMO WADAJIR BAY WAX KU GOOYAAN

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne ayaa ah Jaaliyad aad u firfircoon iskuna duuban, isna kaashada iyagoo leh maamul mideeya.

Waxaa Goobta wayn ama Markazka Darusalam ka shaqeeyey inay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne Iibsato laba gudi oo ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaas, kuwaasoo kala ah:

Gudiga Shuurada

Gudoomiye: Hassan Yusuf Dhuux

Gudoomiye kuxigeen: Ali Yusuf

Xubno: 12 qof oo 3 Haween tahay

Gudiga Fukinta

Gudoomiye: Nuur Fiqi

Gudoomiye kuxigeen: Hussien Waaberi

Xubno: 10 qod oo 2 haween tahay

Wanaaga iyo Shaqada ay Gudiyadani guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u qabteen gaar ahaan reer Australia ama Melbourne way muuqataa wayna ku amaanan yihiin iyadoo ay taariikhdu xusi doonto wanaagaas ay ummaddooda u qabteem.

Shaqada Gudiyadani ama Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne waxay ay Tusaale cad u tahay faa’iidada midnimadu leedahay iyo Horumarka ay ummadda Soomaaliyeed gaari lahayd haddii ay dib usoo ceshtaan midnimadoodii.

Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay u hambalyeynaysaa Guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne  gaar ahaana Gudiyadooda shaqada wacan qabtay.

Halkan ka akhriso Maqaalo ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay Iibsiga Soomaalida Melbouerne ee Goobtan

Daawo Video: Warbixin Somalida Melbourne oo iibsatay Goob Weyn oo Masjid iyo Goob waxbarsho isugu jirta

Daawo Video-sawiro: Wasiirka Maaliyadda Victoria ee Australia oo Booqday Markazka Darusalam

Sawiro

2

3

220-6a2

220-6a3

220-7

220-6a6

Puntlandes.com

About The Author