Daawo Barnaamij: RW DFS oo Baarlamaanka ka codsadey inay meel mariyaan hanaanka Doorashada ee lagu Heshiiyey

30 April 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maanta horgeeyey Baarlamaanka DFS Heshiiskii Doorashada ee ay Soomaalidu ku Heshiisey ayaa ka Codsaday Xildhinbaanada inay Ansixiyaan Heshiiskaas.

217-8l

Raysul Wasaare Cumar ayaa yiri “Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku saleysnaa go’an wadar ogol ah oo ay qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.

Raysul Wasaaraha ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka Heshiiskii DFS iyo Puntland ay Bishan April 3dii ku gaareen Caasimada Puntland ee Garowe isagoo xusay inuu Heshiiskaasi uu sal u yahay Hanaanka Doorashada ayna Taageereen UN-ka, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo dhamaan Beesha Caalamka.

Guddoonka Baarlamaanka DFS Jawaari ayaa ka codsaday Xildhinbaanada inay soo akhriyaan qorshahan, maalinta Isniinta ah ee soo socotana laga doodo go’aanka ka gaarista qorshaha guud ee Hannaanka Doorasho.

Qubadda Raysul Wasaaraha waxay ka bilaabanaysaa daqiiqadda 15aad

Puntlandes.com

About The Author