Daawo Video: Muumin Cilmi Jimcaale oo ah 65 jir oo Hubka u qaatay la dagaalanka Al-shabaab

30 April 2016 (Puntlandes) Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay qaateen Hubka si ay isaga kiciyaan Kooxda Alshabaab oo dhibaatooyin waawayn ku haya Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan.

222-1ba

Muumin Cilmi Jimcaale oo ah 65 jir ayaa wuxuu abaabulay dagaal-yahano su iskood ah isu abaabulay oo Al-shabaab kala Wareegay Deegaanno dhowr ah oo Hoos-taga Degmooyinka Maxaas iyo  Moqorkori ee gobolka Hiiraan.

Muumin Cilmi Jimcaale ayaa yiri isagoo la hadlay warbaahinta “Dad badan ayeey Al-shabaab naga dileen, xoolaha intii abaarta ka badbaaday ayeey bilaabeen in ay naga qaataan, dhibaato joogta ayeey nagu hayeen, waxaan goosanay intaa kaddib in aan hubka qaadanno, taasoo  keentay in aan ka saarno deegaanno dhowr ah iyadoo cid kale oo gacan nagu siisay aysan jirin,’’

Puntlandes.com

About The Author