Garoonka Bosaso: Wafuud ka socda IGAD & Talyaaniga oo Bosaso maanta laga sugayo

1 May 2016 (puntlandes) Waxaa Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso lagu sugaa  maanta oo Axad ah inay soo gaaraan wafuud heer Caalami ah iyo Soomaali isugu jira.

222-1b10

Wafuudan ayaa u imanaysa Bosaso ka qayb galka xaflada lagu Dhagax dhigayo balaarinta ama dhismaha wajiga labaad ee Airport-ka Bosaso, taasoo ka dhacaysa halkaas.

Wafdiyada ayaa waxay kala yihiin Madaxda ka socota IGAD iyo wafdi ka socda dowladda Talyaaniga.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wajiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo ah 20-Malyan.oo doolar ayaa waxaa ku deeqay dowladda Talyaaniga iyadoona soo marsiisey urur gobaleedka ‪IGAD.

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes  dhameystirka Garoonka Diyaaradaha Bosaso ayaa waxa uu ka kooban ayahy:

  • 1KM runway oo lagu darayo iyadoo uu hada Runwaygu yahay 2,6KM noqona doona 3,6KM
  • Runway, oo Nalal la gelin doono si ay Diyaaraduhu Habeenkii u Isticmaalaan
  • Parking, Terminal

Waa talaabo dhanka Horumarka ah oo ay Puntland ay Qaaday iyadoo uu Garoonka Diyaaradaha Bosaso noqonayo mid ay wax walba u dhamaystiran yihiin.

Puntlandes.com

About The Author