Madaxweynaha Puntland Dr- C/weli M. Gaas ayaa Magaalada Adis’ababa kula kulmay Gudiga ardayda reer Puntland ee Dalka Itoobiya ee uu hogaaminayo Gudoomiya ardayda.

Adis’ababa-Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Adis’ababa ee Caasimada dalka Itoobiya intii uu ku sugnaa kula kulmay Gudiga ardayda reer Puntland ee wadanka Itoobiya ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Ururka Ardayda Puntland Mr-Maxamed Cismaan Xuseen.

Gudiga ardayda reer Puntland ee Wadanka Itoobiya ee madaxweynaha la kulmay waxaa kamid ahaa:

1-Gudoomiyaha ardayda Puntland ee Itoobiya Maxamed Cismaan Xuseen

2-Gudoomiye ku xigeenka ardayda Maxamed Cabdi Carab

3-Afhayeenka ardayda Yaasir Umal

4-Maaliyada ardayda Muno Axmed.

Soo dhaweyn ka dib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha ardayda Wuxuuna ka warbixiyey guud ahaan xaalada ardayda  wax ka barata Dalka itoobiya,isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey xaalada ardayda Magaalooyinka ay wax ka bartaan,maadooyinka ay bartaan iyo ardayda sanadkaan qalinjabinaysa.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli M.Cali Gaas markuu dhageystay  warbixinta ardayda iyo gudoomiyaha wuxuu aad ugu hambalyey dadaalka dheeriga ah ay muujiyeen iyo sida ay isugu xiran yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu ardayda ku dhiiri galiyey inay dadaal dheeri ah sii sameeyan waxbarashadana ku dadaalaan,bulshadana uga faa’iideeyaan waxay soo barteen Midnimadana ay xoojiyan.

Waxaan idiin balanqaadaya inaan idinla garab taagnaado hiil iyo hooba ee adinka ka dhabeeya waxbarashiidana,dalkii iyo dadkiiba waa idin baahan yahay waana idin sugayaa waxaa yiri’Madaxweynaha  Puntland Mudane Cabdiweli.

Ardayda reer puntland ee wax ka barta guud ahaanba  Dalka itoobiya ayaa gaaraya arday kor u dhaafeysa 600,kuwaas oo bartay kuliyadaha kala duwan ee waxbarashada sida Caafimaadka ‘Medicine’,Enginering,Siyaasada’Political Scienes’,Xisaabinta,Public Health,Kalkaalinimada’Nursing’,Computerka, iyo Vitinory.

Waxayna wax ka bartaan Magaalooyinka kala duwan ee dalka inta ugu badana waxay wax ka bartaan Magaalada Adis’ababa ee Caasimada wadanka Itoobiya.

Liiska ardayda sanadkan qalijabinaysa ayaa gaaraya 150 kuwaas oo ka dhameeyey Jaamacadaha ku yaala Gobolada Dalka.

Si kastaba ardayda reer Puntland ee Wadanka Itoobiya ayaa waxaa sanad walba kasoo baxa arday aad u fara badan,dhamaadka sanadka ayaa waxaa xaflad weyn  Ururku ardayda Puntland ugu qabtaa Magaalada Adis’ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya.

222-1b1

222-1b2

222-1b3

222-1b4

222-1b5

222-1b6

222-1b7

222-1b8

222-1b9

W/Q: Abdiladif Wadani

Puntlandes.com

About The Author