Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo xariggana ka jaray mashaariic dhowr ah

2 May 2016 (Puntlandes)) Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 2-May-2016 waxa uu xadhigga ka jaray labo waddo cusub oo laami ah oo mid kamid ahi ay isku xidhi doonto Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso iyo magaalada inteeda kale, halka waddada kalena ay isku xidhi doonto Madaxtooyada Boosaaso iyo Jidka Soddonka.

Dawladda Puntland ayaa xoogga saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaaleheeda iyo soo celinta bilicda magaalooyinka iyadoo kaashanaysa shacabkeeda horumarka jecel, waxayna ku yimaadeen mashaariicdaasi isku tashigii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii uu la wareegey hoggaanka Puntland.

Wadadan uu madaxweynhu maanta Xariga ka jaray ayaa noqonaysa wadadii 8aad ee la dhiso inta uu madaxweynaha Puntland ahaa.

IMG_7557IMG_7559IMG_7560IMG_7565IMG_7567IMG_7570IMG_7572IMG_7576

Puntlandes.com

About The Author