Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Dekedda Bosaso oo ay ka socoto Ballaarin

2 May 2016 (Puntlandes)) Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 2-May-2016 iyo wufuudii ku sugnayd Bosaso  ayaa kormeeray Dekedda Boosaaso oo xilligaasi ay ka socotey dib u dayac tirid ay dawladdu ku samaynayso dekedda oo meelo kamid ah uu soo gaadhey bur-bur maadaama dekeddu ay dhisan tahay ku dhowaad labaatan sano.

Wafuuda ku wehelisay Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxay kala ahaayeen Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli iyo wufuuddii kale ee ka socotey urur goboleedka IGAD iyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland.

Dawladda Puntland ayaa xoogga saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaaleheeda iyo iyadoo wada dadaalo lagu Dhisayo Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka.

IMG_7277IMG_7281IMG_7283IMG_7285IMG_7289IMG_7290IMG_7292IMG_7294IMG_7295IMG_7297IMG_7298IMG_7301IMG_7305IMG_7307IMG_7311IMG_7313IMG_7315IMG_7316IMG_7318IMG_7321IMG_7326Puntlandes.com

About The Author