Sawirro: DFS & Puntland oo si wadajir ah u Daahfuray Mashruuca yaraynta Isticmaalka Dhuxusha

8 May 2016 (Puntlandes) Waxay si wadajir ah ay ugu Daahfureen Xarunta Wasaaradda Degaanka Puntland ee Magaalada Garowe Mashruuca yareynta isticmaalka Dhuxusha.

Munaasabadaasi oo ballaarnayd waxaa ka qeyb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha DFS Siciid Xuseen Ciid-Wasiir ku xigeenka Deegaanka, Gudoomiyaha Gobalka,Nabadoono,Waxgarad, Shaqaalaha Wasaaradda iyo Qaar ka mid ah dad aqoon u leh arimaha Degaanka.

Ujeedka Mashruuca loo daah furay waxa lagu sheegay inuu ahaa mid looga gol leeyahay sidii loo yareyn lahaa gebi ahaanba isticmaalka Dhuxusha, Ilaalinta Degaanka iyo sidii looga hortagi lahaa Jarista dhirta.

Sidoo kale Mashruucan ayaa la sheegay inuu faa’iido weyn u lee yahay dadkii ku howlanaa jarista dhirta, oo la siin doono waxyaabo ay ku badashaan si ay dhuxul ugu sameeyaan.

 

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroole oo ka mid ahaa madaxdii kullankaas ka hadlay ayaa dhankiisa Wasaaradda Degaanka Puntland ku amaanay waxyaabihii ay ka qabatay ka hortaga Xaalufka Degaanka iyo xirmeysigii sharci darada ah.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XDFS Siciid Xuseen Ciid ayaa Wasaaradda Deegaanka Puntland ku amaanay horumarka baaxada leh ee ay ka qabatay Dadka dhirta Jara, ka hortga Xaalufka iyo ilaalinta Degaanka.

Ciid wuxuu sheegay in Mashruucan uu yahay mid Puntland ay ka faa’ideysan doonto, mudada uu socdana la dareemi doono is badalka Arimaha Degaanka ah.


2

4

5-2

6

7

8

10

11

12-1

13

14

17

19

Puntlandes.com

 

About The Author