Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Hambalyo u diray Shacabka reer Jabuuti

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey oo maanta magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Jabuuti xilkaasi culus ee markii afraad ay u igmadeen shacabkiisu.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu is beddello horumarineed ka sameeyey dalkaasi muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa isla markaa uu u rajeynayo in uu sii wado dedaalada horumarineed ee uu ugu jiro dalkiisa.

“ Runtii aad baan ugu faraxsanahay in aan kasoo qayb galo caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil oo runtii waddankaan isbeddel aad  u weyn ka sameeyey, isbeddel dhaqaale, horumar iyo kaabayaal dhaqaale oo waddankani u baahnaa ayuu Madaxweynuhu sameeyey, guul iyo khayr baan u rajeynayaa, Eebbena waxaan uga baryayaa in uu xilkaasi ku asturo” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa hambalyo u diray shacabka reer Jabuuti  meelkasta oo ay joogaan waxaana uu ilaahay uga baryey in barwaaqo iyo horumar ku gaarsiiyo sannadka sannadkiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa la kulmi doona  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana waxa ay kawada hadli doonaan ammaanka iyo xasilloonida geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya dawladda Puntland iyo dawladda Jabuuti.

13115448_1064897360241332_383440545_n13141036_1064897350241333_1140091080_n13149868_1064897396907995_1684933743_n13180899_1064897410241327_660555272_n13187682_1064897400241328_1299738360_n (1)13187682_1064897400241328_1299738360_n
Puntlandes.com

About The Author