DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

9 May 2016 (Puntlandes) Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee gobalka Banaadir ayaa waxaa ku geeryootay ugu yaraan 3-ruux.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah ninkii waday gaariga Qaraxyada ay ku xirnaayeen ee Naftiis haliga ahaa kaas oo gaariga ka dagay inta uusan Qarxin ka dibna ay toogteen ciidanka amaanka.

breaking-news

Labada ruux ee kale ee geeriyootay ayaa ahaa dad shacab ah oo marayay wadada markii uu Qaraxa dhacayey.

Qaraxaan ayaa la doonayay in lagu galo xarunta ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko oo ku taalada Degmada Shangaani, hayeeshee ciidanka amaanka ayaa ka hortagay.

Goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan dowladda iyo waliba ciidamo badan kuwaas oo adkeeyay amaanka goobta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadeestay weerarada nuucaan oo kale ah oo markasta ay fashiliyaan ciidanka amaanka.

Wixii ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

About The Author