Sawirro: Faahfaahin weerarkii saaka ka dhacay Muqdisho

9 May 2016 (Puntlandes) Ugu yaraan 5-ruux ayaa ku geeriyootay qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee gobalka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, C/fataax Xalane, ayaa warfidiyeenada u sheegay in dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah labo ruux oo la socday gaariga ay ka buuxeen walxaha qarxa, kuwaasi oo ahaa  naftood halligayaal, waxaana ka hortagay oo toogtay  Ciidanka ammaanka.

Sidoo kale dadka  geeriyooday waxaa ku jiray kuwo  shacab ah oo marayay waddada xilliga uu Qaraxa dhacayay, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray 8-qof oo rayid u badan.

Qaraxa ayaa la doonayay in lagu galo xarunta ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko oo ku taalada degmada Shangaani, hayeeshee ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay.

Goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan dowladda iyo waliba ciidamo badan, kuwaasi oo adkeeyay ammaanka goobta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadeystay weerarada nuucaan oo kale ah oo markasta ay fashiliyaan Ciidanka ammaanka.

20160509_081608

20160509_081610

20160509_081641

20160509_081643

20160509_081709

20160509_081721

20160509_081734

20160509_081916

20160509_081922

20160509_081948

20160509_081951

Puntlandes.com

About The Author