Dhagayso: Khilaaf soo kala dhexgalay FAO & Puntland

9 May 2016 (Puntlandes) Warbixin ay kaga hadashay dhawaan hay’adda FAO  xaaladda beeraha Somalia  ayey waxay liiska Meelaha la Beero ka saartay Puntland islamarkaana u aqoonsatay meelaha aan laga falan dalagyada kasoo baxa dhulka.

220-4b2

Xogtaan ayaa waxaa ururisay hay’ad lagu magacaabo FSNU oo katirsan FAO.

Hay’ada FAO ayaa caddaysay inay mashaariicdeedii u wareejisay Koonfurta Somalia, iyadoo sheegtay inay u cuskatay wareejinta mashaariicda in dadka ku nool deegaanada Puntland u badnayn beero sida Koonfurta Somalia.

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ayaa ku dooday inaysan qoraalkaasi waxba kajirin islamarkaana 9-ka gobol ee Puntland Beero waawayn ay ku yaalaan, iyagoo ka codsaday inay soo arkaan islamarkaana soo booqdaan, laakiin way diideen inay soo Booqdaan..

Dhagayso Agaasimaha Guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland Ibrahim Xareed oo Radio Garowe uu waraystay

Puntlandes.com

About The Author