Guddigii Jawaari u saaray inay wax ka bedelaan Hanaanka Doorashada ee lagu Heshiiyey oo RW Cumar u yeeray

9 May 2016 (Puntlandes) Guddi howleed uu Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari  u xilsaaran wax ka bedelka Hanaankii Doorashada ee lagu Heshiiyey ee uu Gundhiga u ahaa Shirkii Garowe ee ay ku Heshiiyeen Puntland iyo DFS 3dii April 2016 ayaa waxay wax ka bedel ku sameeyeen Qodobada ugu Muhiimsan ee ee lagu Heshiiyey.

221-9a3

Jawaari  iyo Gudigaas ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruunta Villa Hargaysa ee magalaadda Muqdisho kaas oo ay uga arrinsanayeen sidii uu wax ka bedelkoodu u noqon lahaa mid miro dhala, waxayna isku afgarteen inay Berri u yeeraan Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Hanaanka Doorashada ee lagu Heshiiyey ayaa ah mid Siyaasi ah wada ogolna ah oo la isku afgartay, waxaa asal u ah Heshiirkii garowe oo IDAG damaanad qaaday Beesha Caalamkuna ay markhaati ka ahayd.

Villa somalia iyo Xildhibaanada DFS ee iminka oo suxul duub ugu jira sidii ay mar kale usoo noqon lahaayeen, ma afduubi karaanMasiirka ummadda Soomaaliyeed, awoodna uma lahan inay wax ka bedelaan Heshiiska Siyaasiga ah ee la xiriira qaabka ay Doorashadu dhacayso.

Waxaana u roonaan lahayd intii iyagoo wax ka bedel ku sameeyey lafu dul socod siin lahaa inay madax Ciida ka ceshadaan oo u sacabtumaan Heshiiskii Garowe.

30kii April  ayey ahayd markii Raysla Wasaaraha DFS Cuamr uu Baarlamanaka DFS u gudbiyey Hanaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey, hoos ka akhri Qoraalkii Hordhaca ahaa ee uu RW Cumar u Gudbiyey Baarlamaanka DFS.

222-7a

222-7a1

Puntlandes.com

About The Author