XOG: Ciidanka Tarafikada DFS oo saaka Gaari qarax ku rakiban yahay u kaxaystay Xaruntooda

9 May 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in AlShabaab ay saaka khiyaamo xun u dhigay Ciidanka Tarafikada DFS ee ilaaliya Wadooyinka magaalada Muqdisho kadib markii Gaari aan lahayn Plate No, iyo Canshuurtii Wada marida ay Alshabaab qarax ka soo buxiyeen.

222-7b

Kadibna waxaa Gaarigii Qabtay Ciidanka Tarafikada DFS oo markii ay ogaadeen in aanu Gaari lahayn Plate No, iyo Canshuurtii wada marida ay ku amreen ninkii Darawalka ahaa in loo kaxeeyo Gaariga Fisha Tarafiko.

Markii Xaruntii Fisha Tarafiko la tagay ayey Gaarigi ka boodeen Kooxdii Alshabaab ee  Gaari waday oo ay Qarxiyeen Gaarigii.

Intaas dabadeed waxaa u suurto gashay Ciidanka Tarafikada DFS inay Toogtaan mid ka mid ahaa Kooxdii Gaariga wadatay ee Alshabaab, halka laba kale oo ka mid ahaa ay iyagoo bad qaba baxsadeen.

Waa markii ugu horaysay oo ay Kooxda Alshabaab Khiyaano noocaan oo kale u abaabulaan Qarax ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author