Ciidamada Ammaanka ee DFS oo Saaka Muqdisho ku qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa

10 May 2016 (Puntlandes) Ciidamada Ammaanka ee DFS ayaa Saaka Isgooyska Sayidka ee u dhow xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ku qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la doonayay in lagu Qarxiyay meel ka mid ah Magaalada Muqdisho.

222-7b1

Ciidamada ayaa ka shakiyay Gariga oo ahaa Nuuca Raaxada aanna la heyn Sumad ama Taariko.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka ayaa noo Xaqiijiyay in Gaariga Gacanta lagu dhigay oo ay hayaan Ciidamada Ammaanka DFS, waxayna Saraakiisha Ammaanka intaa ku dareen in Maanta Warbaahinta loo soo bandhigi doono Gaariga lagu qabtay Muqdisho ee laga soo buuxiyya Walxaha Qarxa.

Shalay ayaa Gaari laga soo buuxiyya Walxaha Qarxa islamarkaana uu ka Xaneyay Qof ka tirsan Alshabaab uu isku Qarxiyay Xarunta Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya, kadib markii ay Ciidanka Tarafikada DFS ay geeyeen Xaruntii Fisha Tarafiko maadaama uusan Gaarigu lahayn Plate No, iyo Canshuurtii Wada marida.

Puntlandes.com

About The Author