Sawiro: Bursaalax oo markii ugu horreyse loo dhisayo dugsiga farsamada gacanta

10 May 2016 (Puntlandes) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio ayaa ka qeybqaadatey kulan dhaqaalo uruurin ah oo lagu taageerayo Mashruuca maalgalinta Dugsiga tababarka farsamada ee Bursaalax kaasoo ay gacanta ku heyso ku heyso Hey’adda Read Horn of Africa USA iyadoo ololahan muhiimka ah la doonayo in sare loogu qaado horumarinta kaabayaasha adeegyada bulshada.

Waa muhiim in dhaqaalo iyo caqli lala garab istaago maalgalinta mustaqbalka aqooneed ee da’yarta aan awoodin iney helaan waxbarasho iyo tababarro xirfadeed si ay u maareeyaana noloshooda iyo midda qoyskooda taasoo hadii aan xil liska saarin ay dhici karto in dhalinyarada ay dhibaato kula soo noqdaan bulshadii ay ka dhasheen halkii loo baahnaa iney horumariyaan.

Hey’adda Read Horn of Africa USA ayaa waxay dhabarka u ridatey daboolida baahiyo adeeg bulsho oo ka jira qeybo kamid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanka Bursaalax oo ay ka jiraan baahiyo badan oo dhanka waxbarashada, biyaha iyo cafimadka ah.

Guulo laga gaarey mashruucan wajiyadiisa hore ayaa waxaa kamid ah in dadka reer Bursaalax loo heley goobo waxbarasho oo aasaasi ah ilaa dugsiga sare, waxbarashada daka waaweyn, biyo nadiif ah iyo goobo adeegyo caafimaad oo dag dag ah.

Dhacdada ugu xiisa badan ayaa ah in dadka reer miyiga carruurtooda ay heleen fursad waxbarasho iyagoo aan miyiga ka guurin islamarkaana xoolahooda la jooga sida uu ii sheegey Saacid Cabdinur Cali Xaashi oo kamid ahaa dhalinyaradii waqtiga badan iyo dadaalka galiye inuu hergelo mashruucan.

Isu soo dhoweynta goobaha ay dadka uga maarmin noloshaada iyo adeegyada bulshada waa tiir muhiim u ah hab nololeedka dadka sida uu saacid hadalka u dhigey isagoo intaasi ku darey in qof kastoo bulshada kamid ah uu ka codsanayo iney ka qeyb qaataan arriimaha noocaan oo kale ah.

Haatan waxaa la diyaarinayaa dugsi farsamo oo heer sare ah kadib markii inta badan ardeydii dhameysatey dugsiga Bursaalax ay awoodi waayeen iney helaan waxabarasho jaamacadeed sidaas daraadeed waa lagama maarmaan in loo helo tabarro xirfadeed oo noloshooda ay ku maareeyaan si aaney ugu fakarin iney wadankooda ka tahriibaan iyadoo bishii lasoo dhaafey boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood waxbarashada dhameystey ay ku halaagsameen dooni ay saarnayeen xilli ay u tahriibayeen dalal kamid ah qaaradda yurub.

Isku tashiga dadka iyo wax wada qabsiga waa waddada kaliya oo looga maarmi karo ku tiirsanaanta kaalmooyinka shisshee iyo in dadka ay u muuqan weydo awoodda ay u leeyihiin dib u dhiska dalkooda waxaana dhalinyarada howshan isu xilsaartey ay tusaale cad u yihiin in dadka ay isku filnaan karaan.

IMG_1972

IMG_1912

IMG_2011

IMG_1978

IMG_1991

IMG_1969

IMG_1964

IMG_2001

IMG_2019IMG_1921
IMG_2015

IMG_1971IMG_1997IMG_1904
IMG_1989

IMG_1977

IMG_2002

IMG_1979

IMG_1908

IMG_1938

IMG_1924

IMG_1952

IMG_1905

IMG_1934

IMG_1910

IMG_1929

IMG_1934

Puntlandes.com

About The Author