Dhageyso: Wasaaradda Shaqada DFS oo shaacisay diiwaan gelinta shaqaale loo qaadayo Sucuudiga

10 May 2016 (Puntlandes) Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS ayaa ku dhawaaqday bilaabashada diiwaan gelinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Sucuudiga, kuwaasoo noqonaya Gabdho u adeega Dadka dalkaasi inkastoo ay DFS sheegatay inay ka kooban yihiin qaybaha kala duwan.

222-8a1

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado loo fasaxay billaabista shaqaalaha loo qaadayo dalka Sucuudiga.

Wuxuu intaasi ku daray in dufcadda ugu horeysa ay noqon doonto tiro dhan 2000 (Laba kun) oo shaqaale ah oo ka kooban qaybaha kala duwan, waa siad auu sheegaye.

DFS ayaa ku tilmaantay Fursad ay heleen Dhalinyarada ”Soomaaliyeed2 inkastoo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga walwalsan yihiin in Gabdhahooda loo geeyo Sacuudiga iyadoo la wada ogyahay tacadiyada ka dhanka ah Bini’aadamninima ee ka dhaca Sacuudiga, loona gaysto Gabdhaha ka shaqeeya guryahooda.

DFS ayaa intaas ku dartay inay Dhalinyaro gaaraysa 50 000 (Konton kun ) ay u dhoofin doonaan Boqortooyada Sucuudiga.

Dhagayso

Puntlandes.com

About The Author